Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Cumar Finish: “Agaasime is qarxin rabay ayey hay’adaha amaanka haayaan”

Posted: November 16, 2019 at 8:37 am   /   by   /   comments (0)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in intii uu xilka Guddoomiyaha Gobolka hayay Ciidamada sirdoonka ay gacanta ku dhigeen Agaasime ka tirsan Gobolka Banaadir oo isqarxin damacsanaa.

Duqa Muqdisho oo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur Afrika la hadlayay ayaa sheegay in Qaraxii Gobolka Banaadir ee uu ku dhintay duqii hore, Guddoomiyayaal degmo iyo 7 Agaasime uu fuliyay agaasime ka tirsanaa Gobolka Banaadir.

Iyada oo feejignaantaas lagu jirana gacanta lagu dhigay agaasime uusan magaciisa iyo shaqadiisa sheegin oo isna damacsanaa is qarxin kale.

Cumar Finish ayaa sheegay in Agaasimaha la xiray uu qirtay in uu damacsanaa in uu is qarxiyo hay’adaha amaankana ay gacanta ku hayaan.

Arrinta xirnaanshaha Waddooyinka Gobolka Banaadir oo wax laga weydiiyay waxaa uu ku jawaabay in xirnaanshaha Waddooyinka aysan rabitaankiisa ku xirneyn ee ay ku xiranyihiin rabitaanka madaxda sare ee dalka.

Waxaa uu sheegay in madaxda ay hal heys ka dhigteen “intii la dhamaan lahaa halla dhibtoodo”, taas oo ay kala jeedaan in jidadku xirnaadaan inta qaraxyo lagu dhamaan lahaa.