Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Dacwad Lagu Soo Oogay Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya
Sharikad qaabilsan dhismaha oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa dacwad ku soo oogtay safaaradda Soomaaliya ee Kenya.
Sharikadda ayaa sheeganeysa in lacag ka badan $200,000 oo doollarka Mareykanka ah ku leedahay safaaradda kaddib markii ay dayactir ku sameysay.
Doodda ayaa ka dhalatay kaddib markii mid ka mid ah shaqaalaha sharikaddaas uu safaaradda tagay isaga oo Dukumiintiyo la xiriirka kiiska dacwadda ka soo dhameynayay uu ku dooday in la xiray lana jirdilay.
Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa Wargeyska The East African u sheegay in uusan jirin qof la jirdilay ama la xiray isaga oo xusay in safaaraddo aysan lahayn qolal wax lagu xiro.
Sharikadda Dhismaha ee Kingsley, ayaa ku doodeysa in safaaradda Soomaaliya oo ay dayactir ku samyesay ku leedahay lacag dhan $226,318 oo doollar taas oo ku baxday dayactirka safaaradda.
Kingsley ayaa dacwaddeeda ku sheegtay in heshiiska dayactirka dhismaha safaaradda iyo Guriga Lower Kabete oo ay Dowladda Soomaaliya ku leedahay Nairobi heshiiskeeda saxiixday sanadkii 2016kii.
Maamulaha sharikadda dhismaha Everlyne Mutungi , ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya joojisay dhismaha kaddibna sharikad kale siisay qandaraaska si ay u dhameystirto 20% oo ah inta kka dhiman.
Safaaradda Soomaaliya ayaan si rasmi ah uga jawaabin dacwadda maxkamadda marka laga reebo beeninta in la jirdilay lana xiray mid ka mid ah shaqaalaha sharikaddaasi oo ku dooday in gudaha safaaradda lagu jirdilay.
Maxkamadda sare ee Kenya ayaa amar ay soo saartay ku joojisay in wax dhisme ah aan laga fulin karin Guriga Lower Kabete ilaa amar dambe.
Recent Comments