Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Dad Soomaali ahaa oo ku dhintay shil ka dhacay Mareykanka
Ugu yaraan laba qof ayaa geeritooy halka 3 kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari yar oo ay wateen uu ku dhacay Gaari kuwa adeegyada qaad qaada ah Magaalada Lewiston ee dalka Mareykanka.
Labada qof ee geeriyootay ayey goobjoogayaal ku sheegeen in ay ahaayeen Lamaane ku sii socday Sharikad ka ganacsata Ukunta Digaagga oo ay u shaqeynayeen.
Magacyada labada qof ee dhimatay waxaa lagu kala sheegay Wabax Sahal Salaad oo 60 jir ahaa iyo Xaaskiisa Shariifo Shaalle Calay oo 48 jir ahayd.
Saddexda qof ee dhaawacntay ayaa la dhigay Isbitaalka ku yaalla degaanka si halkaas loogula tacaalo xaaladdooda Caafimaad.
Shukri Aba Shukri oo ka mid ah Soomaalida deggan degaanka ayaa sheegtay in ay ahaayeen Nin iyo Xaaskii oo carruur leh rukunka ganacsigeedana ka mid ahaayeen.
Sharikadda ay u shaqeynayeen ee CWP, ayaa barteeda Facebook ku sheegtay in ay ka xuntahay shaqaalaha ka geeriyooday oo shil galay iyaga oo shaqadooda ku socda.
Jaaliyadda Soomaalida ee Lewiston, ayaa ka murugooday shilka sababay dhimashada waxaana ay xuseen in ay aas weyn u sameyn doonaan.
Booliska Dalka Mareykanka ayaa sheegay in aysan wali ogaan sababta shilkaasi dhalisay hayeeshee ay baaritaan ku hayaan.
Recent Comments