Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Dadka Shabeellaha dhexe oo ka cabanaya Fatahaadda Wabiga Shabeelle

Posted: November 11, 2019 at 9:12 am   /   by   /   comments (0)

Dad ku nool duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka barakaceen Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ku sameeyay degaannadooda.

Qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in ay guryahooda uga barakaceen Fatahaadda Wabiga Shabeelle.

Madaxda Maamulka Hirshabeelle iyo kuwa Dowladda Federaalka ayey ugu baaqeen in ay Doon ku tagaan goobahaas islamarkaana soo booqdaan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayey ku eedeeyeen in uu kaliya ka hadlo Gobolka Hiiraan oo ay Fatahaadaha ka jiraan hayeeshee aysan wali maqal isaga oo ka hadlayo Shabeellaha dhexe.

Dadkan ayaa sheegay in meelaha ugu daran ay ka mid tahay tuulada Geedo Barkaan lagu magacaabo ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Tuulooyinka ku dhow.

Mid ka mid ah Odayaasha Degaanka ayaa sheegay in Tuulooyinka ay ku go’doonsanyihiin aysan Gaadiid iyo diyaarad tagi karin kaliyana lagu tagi karo Lug ama Doon.

Sidoo kale Haweenka ku sugan Degaannada duleedka ka ah Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen in aysan u xisaabsaneyn Maamulka Hirshabeelle maaddaama dhibaatada heysata aan waxba laga qabaneyn.