Featured, Arrimaha Siyaasada
DEG DEG: Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland
Warar goor dhow nasoo gaaray ayaa waxay sheegayaan in xildhibaannada Puntland ay xilkii ka qaadeen guddoomiyahii baarlamaanka maamulkaasi, C/xakiin Dhoobo Daareed, kadib mooshin ay ka keeneen.
53 Mudane ayaa soo xaadirtay kulanka maanta, waxaana shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Puntland.
49 Mudane ayaa u codeeyey in xafiiska uu baneeyo guddoomiye Dhoobo Daareed, halka 4 xildhibaan ay ka aamuseen.
Sababta xilka looga qaaday guddoomiyaha ayaa lagu sheegay, kadib markii uu ciidan ku beel ah soo geliyey gudaha xarunta baarlamaanka Puntland ee Garoowe.
Ciidankaasi ayaa xalay la dagaallamay ciidamada Booliiska, waxaana dagaalkaasi ku dhintay Afar qof, taasi oo keentay in baarlamaanka uu maanta kulan degdeg ah isugu yimaado.
La soco wixii soo kordha.
Recent Comments