Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

DFS Oo Beenisay Iney Ka Baxday Heshiiskii Ahlu-sunna

Posted: August 28, 2019 at 6:39 am   /   by   /   comments (0)

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliyeed aysan ka bixin qodob kamid ah heshiiskii ay la galeen Ahlu sunna.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Xukuumadda iyo Ahlu Sunna ay kala saxiixdeen 10-kii qodob oo muhiim u ah xasiloonida iyo dhismaha Galmudug, wali dhankooda ay dhowrayaan.

Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ku dadaaleyso sidii reer Galmudug ay u heli lahaayeen Dowlad Goboleed Mata oo ay u dhan yihiin dadka deegaansada.

Heshiiska ay Xukuumadda iyo Ahlu sunna oo uu Wasiir Sabriye ka ahaa saxiixa waxa uu tilmaamay in wali ay dhowrayaan isaga oo madasha ka aqriyay qodobada u ogalaanaya ciidamada Xukuumadda ay geysay Dhuusamareeb.

Wasiir Sabriye waxa uu Madaxda Ahlu Sunna ka dalbaday in ay dadka Galmudug u soo bandhigaan qodobada ay jabisay Xukuumadda Soomaaliya.

Shacabka waxa uu u sheegay in ay u kala gar qaadaan Xukuumadda Federaalka iyo Madaxda Ahlu sunna, isaga oo tilmaamay in hadii loo daayo Magaalooyinka ay maamulayeen in aysan dan u ahayn dadka kunool sida uu hadalka u dhigay.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Madaxda Ahlu sunna waxa ay ku sheegeen in uu burburay heshiis ay la galeen Xukuumadda, kadib markii ciidamo laga qaaday Muqdisho la geeyay Magaalada Dhuusamareeb.

Beesha Caalamka waxa ay ogeysiiyeen in ay la socdaan xaaladda Galmudug, isla markaana ciidamada dowladda geysay Xarunta Galmudug waxa ay ku tilmaameen in duulaan ka dhan ah iyaga looga gol-leeyahay, isna difaaci doonaan sida ku qoran warsaxaafadeedka ay soo saareen.