Featured, Arrimaha Siyaasada
DFS Oo Ciidan Kale Geysay Dhuusamareeb
Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegay in saaka halkaasi gaareen ugu yaraan 3 diyaaradood oo wada Ciidan iyo gaadiid dagaal oo saaka laga qaaday Magaaladda Muqdisho.
Wariyayaash ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ay saakay laga dajiyay diyaarado sida hub badan iyo ciidamo ka socda Dowladda Federaalka.
Hubka iyo ciidamada loo daabulay Magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay in lagu kordhiyay Ciidamada Dowladda Faderaalka Soomaaliya ee dhawaan laga dajiyay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana muuqata in dowladda Soomaaliya ay Xoojinayso Ciidankeeda ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb.
Ahlusunna oo horay u diiday In Dowladda Soomaaliya ay geyso Ciidamo magaaladaasi ayaa aad ugu Carooday waxaana ayna ay wadaan Abaabul ka dhan ah Dowladda Soomaaliya waxaana shaki ka qabaan Ciidankaan sida ay sheegeen Masuuliyiin u hadashay hogaanka Ahlusunna.
Sidoo kale Magaaladda Dhuusamareeb waxaa Xalay ilaa shalay lagu qabtay Kulamo looga arinsanayo Khilaafka ka u dhexeeya Hogaanka Ahlusunna iyo Xukumadda Dhexe, waxaana waday Xildhibaano ay hogaaminayso Sen Jawaahir Axmed Cilmi, Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda Dhuusamareeb.
Talaabadaan ay maanta Dowladda Soomaaliya Ciidamo iyo gaadiidka dagaalka ku gaysay Magaaladda Dhuusamareeb ayaa noqonaysa markii Sedaxaad oo Todobaadkaan gudihiisa ay dowladdu Dhuusamaree ka dajiso hub iyo ciidamo.
Recent Comments