Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

DFS Oo La Wareegtay Ciidankii Ahlu-sunna

Posted: July 2, 2019 at 7:02 pm   /   by   /   comments (0)

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya ayaa xerada qaybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ku booqday Ciidamo ka tirsan ahlusunna oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka, maantana loo bilaabayo Hab-raaca ay kaga midnoqonayaan Ciidanka Qalabka sida ee Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay booqashadiisa ku wehliyeen madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo taliyaasha ciidanka qalabka sida ayaa khudba u jeediyay ciidanka waxa uuna ku boorriyay in ay maraan hab-raaca oo ay is isdiiwaan geliyaan si ay u helaan xuquudooda iyo agabka ciidan ee ay u baahanyihiin.

Taliyayaasha Booliska iyo Asluubta Soomaaliya, Wasiiro Heer Faderaal iyo Dolad Goboleed,Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale Goobto Xerada 21 aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Ciidanka Ahlusunna ugu Mahadceliyay dagaalkii ay Al Shabaab 10 Sano ka hor lagaleen oo xiligaas Al Shabaab ay ka saareen inta badan Bartamaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Ciidanka Ahlusunna ugu Mahadceliyay dagaalkii ay Al Shabaab 10 sanno ka hor Goobto Xeradda 21 aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

“Aad ayaan idinkaga mahadcelinayaa in aad sabab u tihiin in aan maanta si nabad ah u nimaad una booqano Qaybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed, Adinka ayaa sabab u ah” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe iyo Madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Goobta Xerada 21 aad.

Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe: “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan joogno Qaybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ah xeradii geesiyaasha iyada oo dib u qaabeyntu ciidankana aan uga mahadcelinayo dowladda Federaalka” ayuu yire Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

ciidanka Ahlusunna ee lagu lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya Xeradda 21 aad ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaasha ciidanka qalabka sida oo guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee ahaa in la qarameeyo ciidanka Ahlusunna, laamaha ammaankana Dhuusamareeb laga howl geliyo ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga guul gaaraan qaramaynta ciidanka si loogu diyaar garoobo xoreynta deegaanna Shabaabku uga suganyihiin Galmudug.