Xulashada Tafatiraha, Featured
DFS Oo Magacawday Danjiraha Soomaaliya Ee Maraykanka
Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer kaddib waxaa ay magacowday danjiraha Soomaaliya ee Dalka Mareykanka.
Cali Shariif Axmed ayaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Mareykanka,waxaana uu booskaasi bannaanaa muddo sanad ka badan.
Cali ayaa waxaa uu horay u ahaa danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya iyo France,waxaana uu hadda beddelay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo xilkaasi hayay tan iyo 2015kii.
Cawad ayaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyada oo aan la magacaabin beddelkiisa,waxaana magacaabistiisa ahayd billowgii sanadkii hore ee 2018.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xaqiijiyay in Cali Shariif Axmed loo magacaabay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona Wanshington.
Axmed Ciise ayaa xusay in Cali Shariif uu dhawaan u socdaalayo dalka Mareykanka islamarkaana hadda loo diyaarinayo Dukumiintiyadiisa diblomaasiyadeed iyo dal ku gal.
Recent Comments