Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
DFS Oo Tacsi Ka Dirtay Geerida Taliyahii Ciidanka Booliiska Somaliland
Magaalaad Hargeysa ee Xarunta Somaliland waxaa xalay ku geeriyooday Taliyihii Booliska Cabdullahi Fadal Imaan.
Geerida Taliyaha ayaa timid kaddib markii xanuun loo dhigay Isbitaalka weyn ee Hargeysa halkaas oo ay geeridiisa ka hor ku booqdeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland.
Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in maanta lagu Aasayo Qubuuraha Masallaha ee Magaalada Hargeysa.
Madxada Somaliland iyo kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Cabdullahi Fadal Imaan.
Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka mid ahaa madaxda Federaalka ee ka tacsiyadeysay geeridaha Taliyaha Booliska Somaliland.
Taliye Fadal Imaan ayaa Ciidanka Somaliland hoggaaminayay tan iyo sanadkii 2012kii xilligaas oo uu xilka qabtay kaddib markii uu geeriyooday Taliyihii isaga kaga horreeyay xilka ee Maxamed Saqadhe Dubad.
Recent Comments