Featured, Arrimaha Siyaasada
DFS Oo Xus Sanadeed u Sameeneysa Hodon Naaleeye
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ballanqaadday in xus sanadeed loo sameynayo Hodon Naaleeye oo ahayd Soomaali Canadian ku dhimatay weerarkii Kismaayo.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa bartiisa Twitter-ka ku ballanqaaday in sanadkasta ay bixin doonaan abaalgud loogu magac daray Hodon Naaleeye.
Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in billadda sanadlaha ah ay ku tartami doonaan Qurbe joogta Soomaalida ah ee waxqabadka wanaagsan soo bandhiga.
Hodon Naaleeye ayaa waxaa ay lahayd TV dhinaca Internetka ah, waxaana ay tabin jirtay sheekooyinka wanaagsan ee ka jira Soomaaliya.
Waxaa ay ku dhimatay weerarkii 12kii Bishan ka dhacay Hotelka Cas caseey ee Magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku dhinteen 25 qof oo kale.
Recent Comments