Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Dhageyso: Biixi Oo Kahor Yimid Guddiga Wadahadalka Ee Ay Magacawday DFS
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa muddo kaddib ka hadlay Guddigii uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo uusan quseyn Soomaaliya isaga oo sheegay in Guddigaasi qodobada loo wakiishay ay yihiin kuwa quseeya arrimaha gudaha SOomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Muuse ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay muujisay cadaawad aanay Somaliland horay ugala kulmin dowladda Federaalka ah.
Waxaa kale oo uu Muuse diiday xubnaha Guddigaas oo uu sheegay in ay ka soo jeedaan dhinaca Somaliland sidaas darteedna Somaliland aysan wax wadahadal ah la galayn Guddiga ay hoggaaminayaan xubnaha ka soo jeeda Somaliland.
Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii la soo dhaafay magacowday Guddiga wadahadalka dowladda dhexe iyo Somaliland.
Recent Comments