Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Dhageyso: Xildhibaannada DFS Ku Eedeetet Cunaqabateyn Ay Ku Hayso Somaliland
Xildhibaannada Labada aqal ee ka soo jeeda Degaannada Somaliland ayaa waxaa ay dowladda Federaalka ah ku eedeeyeen in ay cunaqabateyn saartay Somaliland.
Xildhibaannada oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sidoo kale diiday Guddiga uu dhawaan Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo u magacaabay in ay dhex dhexaadiyaan wadahadallada labada dhinac.
Xuseen Carab Ciise oo horay u soo noqday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya haddana ka mid ah Golaha shacabka ayaa sheegay in Xildhibaannadooda aan lagala tashan Guddiga uu magacaabay Madaxweynaha SOomaaliya.
Waxaa uu sheegay in magacaabista Guddigaas aan lagala tashan iyaguna aysan aqbali doonin sida uu hadalka uu u dhigay,waxaana uu ku tilmaamay in tallaabadaasi tahay wax laga xumaado.
Dhinaca kale Xildhibaannada ayaa waxaa ay ka hadleen Markab Xoolo waday oo dhawaan Dowladda Sucuudiga ku xayirtay Magaalada Jiddah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Markabkaas lagu siidaayay codsi rasmi ah oo ay u qortay Dowladda Sucuudiga.
Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Markabkaas aan lagu siidaayin amar ka soo baxay dowladda Federaalka ah, waxaa kale oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay cunaqabateyn saartay Somaliland.
Recent Comments