Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Dhaliil Loo Jeediyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar jecel oo ka mid ah Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka ku eedeeyay in uu Baarlamaankii isaga jeebkiisa ku jiro.
Kulankii shalay ee Golaha shacabka ayaa Xildhibaan Cabdi Shire oo hadal jeedinaya dhaliilay ajendaha kulanka isaga oo beddelka ajendaha dhaqanka ku saabsanaa soo jeediyay in laga hadlo arrinta Ciidanka Kenya, Khilaafka dowladda iyo dowlad Goboleedyada, Warbixintii hanti dhowrka iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Markii uu halkaas marinayay ayaa waxaa uu Guddoomiye Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan amar ku bixiyay in XIldhibaanka laga xiro codbaahiyaha (Microphone),taas oo uu xildhibaanka aad uga carooday.
Xildhibaan Cabdi Shire ayaa sheegay in xildhibaanku uu Baarlamaanka ka dhigay sida Baarlamaankii 8aad oo kale.
Waxaa uu Xildhibaan Cabdi shir ku gooddiyay in uu sharciga la tiigsanayo Guddoonka Golaha shacabka ee isaga oo hadlaya codka ka jaray.
Kulankii shalay ee Golaha shacabka ayaa ahaa fadhiga 1aad ee kalfadhiga 6aad, kaas oo dad badan ay filayeen in looga hadlo arrimo xasaasi ah hayeeshee ma aysan dhicin.
Waxaa xusid mudan in Guddoonka Golaha shacabka uu shalay warbaahinta madaxabanaan u diiday Xraunta Golaha shacabka.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/Wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa u sheegay Wariyayaasha in goluhu uusan u baahneyn warbaahinta madaxabanaan.
Hay’adaha u dooda xuquuqda warbaahinta ayaa arrintaas aad u cambaareeyay sidoo kale wariyayaasha madaxabanaan ayaa waxaa ay ka caroodeen falka shalay uu ku kacay guddoonka Golaha shacabka.
Waxaa jirta hadal heyn la xiriirta in Baarlamaanka uu ku dhacay gacanta hay’adda fulinta kaddib markii la dejiyay xarunta fadhiyada gaarka ah ee Villa Hargeysa oo ku dhextaalla Madaxtooyada dalka,waxaana dad badan shaki gelinayaan sida Baarlamaanku u gudan karo waajibaadkiisa dastuuriga ah mar haddii hay’adaha fulinta iyo xeer dejinta isku milmayaan.
Recent Comments