Featured, Arrimaha Siyaasada
Dibadbax Ka Socda Muqdisho
Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha ayaa saaka Banaanbax ka dhigay Magaalada Muqdisho waxana ay xireen isu socodka dadweynaha.
Gaadiidleyda qaarkood ayaa sheegay in ay ka cabanayaan Askarta dowladda ee jidadka dhooban kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay dadweynaha qaadaan.
Waxaa kale oo ay sheegeen in ay bixiyaan lacagaha Canshuurta ee dowladda una dheertahay Isbaarooyin dadban oo magaalada dhexyaalla islamarkaana aan loo oggoleyn in ay dadweynaha qaadaan.
Mid ka mid ah Wadayaasha ayaa sheegay in Waddada ka soo baxda Danwadaagta ilaa Soobbe aysan isu socon karin islamarkaana waddada dhinaca dambe ee Isgoyska Korontada ka xirantahay halkii ay dadka ka raran lahaayeenna loo diiday.
Waxaa uu sheegay Wadahan in ay shaqo joojin ku dhaqaaqeen isaga oo sheegay in ay wadayaan ilaa ay Dowladda wax ka qabato dhibaatada ay ku hayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Recent Comments