Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Dibadbax Ka Socda Muqdisho
Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha ee loo yaqaan BL-ka ayaa waxaa ay saaka banaanbaxyo ka dhigeen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Banaanbaxan ayaa ka dhashay lacago dheeraad ah oo ay dowladdu saartay Gaadiidleyda iyada oo wali ay ka xiranyihiin Waddooyinka Muqdisho.
Gadiidleyda ayaa sheegaya in lacag ku dhow laba Doollar dusha laga saaray subax walba islamarkaana aysan heysan waddooyinkii ay ku shaqeysan lahaayeen.
Banaanbaxyada ayaa saaka ka dhacay Isgoyska Afarta Darjiin, Fagax, Towfiiq iyo meelo kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho waxana ay diiddanaayeen lacagaha cusub.
Kulan billowgii Bishan dhexmaray Guddiga Gaadiidleyda iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhamaaday is afgarad iyada oo Guddiga ogolaadeen in Waddooyinak oo xiran Subax kasta laga qaado Gaadiidleyda 43,000 oo Shilin Soomaali ah.
Hayeeshee Gaadiidleyda qaar ayaa ku doodaya in Xubno ka mid ah Guddiga uu afgartay Maamulka Gobolka Banaadir sidaasna kula shaqeeyaan.
Gaadiidka Muqdisho noocyadiisa kala duwan ayaa la baaraa islamarkaana caadi ku mara Waddooyinka Muqdisho marka laga reebo Gaadiidka dadweynaha ee BL-ka oo ilaa hadda ku jira “kala wareeg”.
Recent Comments