Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Digniin Loo Diray Ciidanka AMISOM Ee Ku Sugan Kismaayo
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan (Xasan Yare) oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka waxa uu ka digay in Doorashada Jubbaland loo adeegsado Ciidamada Dowladda, kuwa Jubbaland iyo AMISOM.
Mas’uuliyadda hagista Doorashada iyo sugidda Amniga ayuu sheegay in ay kala leeyihiin Ciidamada iyo guddiga doorashada, sidaas awgeed aan loo baahneyn in la isku qaso.
Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Deegaanada Maamulka Jubblanad ayuu sheegay in ay waajib ka saaran yahay ku dhaqmidda Ogolaashinyaha dalka ay ku joogaan ee loo keenay.
“Doorashadu weerar ma ahan, Ciidamada AMISOM waxaa waajib ku ah in ay la dagaalamaan Al-Shabaab, kana qaybqaataan sugidda Amniga, iyaga oo maraya shuruucda Midowga Afrika” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.
Guddiga Doorashada Jubbaland ayuu ugu baaqay ay dhaqan geliyaan awoodda dastuurka Dowlad Goboleedka uu siinayo.
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) waxa uu ku baaqay in aan burbur loo horseedin Dowlad Goobleedka Jubbaland, isla markaana aan laga talaabin tubaha Wada hadalka iyo Xasiloonida sida uu hadalka u dhigay.
Doorashada Jubbaland ayuu sheegay in lagu kala baxayo sanduuqa, waxa musharixiinta usoo jeediyay in ay isku kalsoonaadaan, kuna qancaan Guddiga Doorashada iyo codadka Xildhibaanada.
Recent Comments