Featured, Arrimaha Siyaasada
Doorasho Ka Socota Degmada Warsheekh
Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa maanta ka dhaceysa doorashada Guddoomiyaha Degmadaas.
Inta badan Guddoomiyayaasha Degmooyinka iyo Gobollada Soomaaliya ayaa ku iman jiray magacaabista Dowladda Federaalka ah ama dowlad Goboleedka halkaas ka taliya.
Degmada Warsheekh ayaa dhawaan yeelatay Gole degaan markii 105 xubnood oo ka mid ah Bulshada degmada ay doorteen Gole degaan oo gaaraya 21 xubnood.
Maanta ayey Golahaasi dooranayaan Guddoomiyaha Degmada Warsheekh,waxaana ay degmada safka hore ka gashay degmooyinka yeelanaya Guddoomiye la doortay ee aan la soo magacaabin.
Musharrixiinta ku tartamaya oo gaaraya ilaa saddex musharrax ayaa waxaa mid ka mid ah ay tahay Haweeney,waxaana ay kala yihiin;
1. Axmed Xuseen Axmed (Shiidka)
2. Xasan Xaaji Maxamed (Darafeey)
3. Qamar Cali Dhiblaawe
Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ka socda dhismaha Golaha degaanka inkasta oo meelaha qaar, Hiraan ha u badnaadee uu is qab qabsi badan ka jiro arrintaasi.
Recent Comments