Xulashada Tafatiraha, Featured
Doorasho Maanta Ka Dhacaysa Kismaayo

Guddiga doorashada Maamulka Jubaland ayaa ku dhawaaqay in maanta ay dhaceyso doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ee maamulkaas.
Wxaa ay horay u soo bandhigeen jaantuska doorashada ee Guddoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeennadiisa iyo Madaxweynaha.
Hayeeshee xalay ayey goor dambe dib u dhigeen doorashada madaxweynaha iyaga oo ku daray muddo saddex maalmood oo muddo kordhin ah.
Waxaana maanta sidii loogu talagalay u dhaceysa doorashada Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen.
Waxaa durba isdiiwaan geliyay qaar ka mid ah XIldhibaannada Baarlamaanka Jubaland oo ku tartamaya saddexda kursi ee ugu sarreysa Baarlamaanka,waxaana ay horay u jeediyeen khudbadihii ay uga hadlayeen wax qabadkooda.
Musharrixiinta ilaa hadda ay soo bandhigeen Guddiga doorashada waxaa ka mid ah saddexdii Guddoomiye ee Baarlamaanka 1aad oo uu waqtigiisa dhamaaday.
Recent Comments