Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Dowladda oo xariyaad ku rogtay diyaaradaha ka imanaya Kenya
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xayiraad cusub ku soo rogtay diyaaradaha Caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee ka imanaya Kenya kuna jeeda Muqdisho.
Warqad ogeysiis ah ayaa lagu sheegay in dhamaan diyaaradaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha ah ee ka imanaya guud ahaan Dalka kenya la mamnuucay in ay toos u tagaan Kismaayo,waxaana qasab looga dhigay in ay marka hore soo maraan Magaalada Muqdisho.
Go’aankan ayaa ku soo aadaya iyada oo lagu wado in dowladda Kenya wafdi heer sare ah u soo dirto Kismaayo kuwaas oo ka qeybgelaya caleemasaarka Axmed Madoobe.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ay u yeertay Danjiraha Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo waxaana loo gudbiyay warqad cabasho ahayd oo la xiriirtay xadgudubkii diyaarad Kenya ka timid ay 5tii Bishan ku tagtay Magaalada Kismaayo.
Xukuumadda waxaa ay dhawaan qaadday xayiraaddii saarenyd diyaaradaha tagaya Kismaayo taas oo sababtay in Khamiistii ay siyaasiyiinta ugu badan tagaan Magaalada Kismaayo kuwaas oo mucaarid ku ah dowladda Federaalka ah ee hadda talada heysa.
Recent Comments