Xulashada Tafatiraha, Featured
Dufaan Kusoo Wajahan Xadka Soomaaliya Iyo Kenya
Hay’adaha saadaasha Hawada ayaa ka digaya duufaan xoog leh oo ku wajahan Gobolka Soomaalida ee ay Kenya maamusho iyo Gobollada Xeebaha ee dalka Kenya.
Ragga ku taqasusay cilmiga saadaasha Hawada ayaa sheegaya in biyaha Badda ay sare u kacayaan 3m Maalinta Isniinta ah ee Berri ah wixii ka dambeeyanaya ay si tartiib tartiib ah hoos ugu dhacayaan.
Sidoo kale Xawaaraha Dabeeyasha ayaa sare u kacaya waxaana uu gaarayaa 25m/s, waxaa ay isla waxaarahaas ku soconeysaa ilaa Talaadada waxaana kaddib 24ka July oo Arboco ku beegan hoos u dhacaya xawaarada dabeysha oo gaaraya 20 m/s .
Dadka ku nool degaannada Mandheera, Gaarisa,Wajeer, Isiolo, Tana River,Turkana, Marsabit, iyo Gobollada kale ee ka fog xeebaha ayaa lagu amray in ay feejignaanaadaan lana socdaan warbaahinta gudaha.
Sidoo kale dhinaca Xeebta Lamu dadka ku nool sida Lamu, Kilifi, Mombasa, Kwale, iyo Taita Taveta ayaa la geliyay heegan sare,waxaana lagu wargeliyay in ay diyaar garow muujiyaan.
Recent Comments