Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Ergada ka Qeybgaleysa Shirka u Heshiinta Galmudug oo Dhuusamareeb Ku Wajahan

Posted: August 14, 2019 at 5:58 am   /   by   /   comments (0)

Guddiga dib u heshiinta Galmudug ayaa wado abaabul lagu soo dhaweynayo wufuud u badan Madax dhaqameed oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xubnaha Guddiga oo shalay soo saaray habraaca shirka dib u heshiinta oo shan qodob ka kooban waxaa kamid ahaa, in maanta oo ay ku beegan tahay 14-ka August Ergooyinka Beelaha ay bilaabaan tagista Dhuusamareeb.

Waqti ahaan waxaa lagu wargeliyay Odoyaasha dhaqanka in aysan dib ugu dhicin 16-ka Bishaan oo ah Maalin kahor waqtiga gogasha dib u heshiinta ay furmeyso.

Odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka Magaalada Dhuusamareeb oo kulan yeeshay waxa ay ku dhawaaqeen in ay diyaar u yihiin soo dhaweynta Madax dhaqameedyada la filayo in ay maanta qaarkood tagaan Xarunta Galmudug.

Waxa ay tilmaameen in ay gacmo furan kusoo dhaweynayaan Ergada kala mataleysa 11-ka Beel ee qaybsaneysa Xildhibaanada iyo Xilalka kale ee Galmudug.

Shirkaan oo markii hore qorshihiisu ahaa 5-tii bishaan ayaa dib u dhacay labo sababood oo kala ah, aaskii DuqiI Muqdisho AUN Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Maalmihii Ciidda ee Todobaadkaan.

Guddiga ayaa isku raacay in loo badalo 17-ka bishaan, si ay Odoyaasha dhaqanka u helaan waqti ku filan oo ay isugu diyaariyaan ka qaybgalka Gogosha Dhuusamareeb.