Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Farmaajo iyo Erdogan oo ku kulmay Newyork

Posted: September 25, 2019 at 7:37 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweyaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu Dalka Mareykanka kula kulmay dhiggiisa Turkiga Rajab Dayib Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii hor marin lahaa,waxaana kulankooda uu bar bar socday Shirka guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in kulankaasi ujeedadiisu ahayd xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa uu ahaa Isaga oo ra’isalwasaare  mas’uulkii ugu sarreeyay ee aan Afrikaan ahayn ee imaada Soomaaliya sanadkii 2011dii xilligaas oo ay Soomaaliya macluul daran ka jirtay.

Booqashada Erdogan ayaa Indhaha caalamka ku soo jeedisay Soomaaliya waxaana xilligaas wixii ka dambeeyay xididdeystay Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo  muddo dheer sii jiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka qeybgelaya shirka golaha guud ee Qaramada Midoobey tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Soomaaliya saddex sano ka hor.