Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Farmaajo: “Waddamada deriska waxaan ula heshiiyay si aysan u soo marin D.Goboleedyada”
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka hadlay sababta uu xiriir wanaagsan ula yeeshay dalalka deriska la ah Soomaaliya.
Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa arrintaas ku sababeeyay in haddii uusan la saaxibi lahayn dowladaha deriska ah ay danahooda ka dhex raadsan lahaayeen dowlad Goboleedyada halkaasna u soo mari lahaayeen xasilooni la’aanta Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlad Goboleedyada ay doonayaan in ay u dhaqmaan sida dowlada dhexe, oo ay yeeshaan ciidan u gaar ah, dastuur u gaar ahna ay leeyihiin taasina ay dhibaato badan ku heyso dowladda dhexe.
Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay in siyaasiyiinta farahabadan ay dhibaato ku hayaan dalka Soomaaliya.
Waxaa uu xusay in afar sano walba ay yimaadaan siyaasiyiin cusub islamarkaana xil raadis galaan iyada oo kuwii hore aysan ka bixin magaalada.
Siyaasiyiintaas ayuu sheegay in ay u kala qeybsamaan kuwo magaalada dhinac ka jooga oo sugaya in loo yeero iyo kuwa kale oo uu sheegay in raadsadaan xilal cusub.
Recent Comments