Featured, Arrimaha Siyaasada
FBI Oo Xabsiga Dhigtay Soomaali Loo Haysto Argagaxisanimo
Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa xabsiga dhigtay Labo Wiil oo Soomaali ah kuwaas oo Qaxooti ku ahaa dalka Mareykanka loona heysto falal la xiriira Argagixisanimo.
Wiilashan ayaa la sheegay in xabsiga la dhigay Jimcihii iyaga oo isku dayay in ay diyaarad ka raacaan Garoonka diyaaradaha ee Gobolka Arizona, kuna sii jeeday Dalka Masar si ay ugu biiraan Ururka Daacish.
FBI-da Mareykanka ayaa Isniintii shaacisay xarigga wiilashan oo muddo bilo ah qorsheynayay safarkooda,waxaana FBIda xogtan siiyay qof si qarsoodi ah ula shaqeeya Hay’adda FBI-da oo ay la wadaageen dhaq dhaqaaqa safarkoosa sida ay sheegtay Maxkamadda loo gudbiyay.
Magacyada wiiilashan ayaa waxaa lagu kala sheegay Axmed Mahad Maxamed oo 21 jir ah iyo Cabdi Yamani Xuseen, kuwaas oo uu midka hore Green Car ku joogo dalka Mareykanka halka Ninka dambe qaxootinimo wali ku joogay dalka Mareykanka.
Sida ka muuqata Dukumiintiyada Maxkamadda Cabdi ayaa sheegay in uu doonayo in uu isku qarxiyo aqalka cad,waxaana uu la baxay magaca Abuu Jihaad, halka Axmed uu sheegay in ay doonayeen in ay noqdaan labada Nin ee adduunka loogu raadinayo argagixisanimo darteed sidoo kalena dadka kurgooya.
Raggan ayaa bishii Sideedaad ee sanadkii hore Internetka uga sheegay wiil ay saaxiibo yihiin in ay doonayaan in ay jihaadaan islamarkaana waalidkood aysan fasax ka heysan,waxaa ay ka codsadeen in uu xogtooda qariyo, waxaase uu ahaa shaqaale qarsoon oo ka tirsan FBI-da Mareykanka.
Wixii xilligaas ka dambeyayna waxaa lagu hayay dabagal ilaa iyaga oo isu diyaarinaya safarka Dalka Masar ah gacanta lagu dhigay.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 20 qof oo Soomaali ay dib ugu laabteen Soomaaliya kana bar bar dagaallameen Al-shabaab, halkaas oo lagu dilay halka kuwo kale aadeen dalalka Ciraaq iyo Syria.
Recent Comments