Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Finland Oo Ku Dhowaad Boqol Milyan Ugu Deeqday Somalia

Posted: September 24, 2019 at 9:47 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Finland ayaa lacag gaareysa $8.9 Milyan oo doollarka Mareykanka ah ugu deeqday Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Finland Erik Lundberg, ayaa sheegay in lacagtaas ugu talagaleen dib u dhiska hay’adaha iyo xeerarka dowliga ah ee Soomaaliya.

Erik Lundberg, ayaa intaas raaciyay in lacagtaas uu maamulayo Bangiga Adduunka, Dowladda Soomaaliyana u mariyeen Bangiga.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waxbadan ka qabatay dib u dhiska Hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu bogaadiyay horumarka laga sameeyay dib u dhiska, nidaamka maaliyadeed iyo adeegyada dadweynaha.

Lacagtan ayaa waxaa ay ku biireysaa midda Midowga Yurub ugu deeqay dib u dhiska Soomaaliya oo ahayd $4.4Milyan oo doollarka Mareykanka ah waxaana ay isku dar gaareysaa lacag dhan $13.4 Milyan.

Sanduuqa lacagu shubo lacagtaas ayaa dib loo shaqo geliyay bishii August ee sanadkii 2014kii waxaana uu ka qeybqaataa dib u dhiska Hay’adaha bixiya adeegyada dowliga ah ee Soomaaliya.