Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Gaari ay leeyihiin Ciidanka dowladda oo qof shacab ahaa ku dilay Tabeellaha

Posted: October 30, 2019 at 10:48 am   /   by   /   comments (0)

Wararka naga soogaaraya degaanka Tabeellaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Gaari Ciidanka dowladda ay leeyihiin uu jiiray wiil Dhallinyaro ah.

Shilka ayaa ka dhacay Degaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim,waxaana wiilka dhallinyarada ahaa uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labo ka mid ah Gaadiidka dowladda ee loo yaqaanno Cabdi Bilayaasha oo isdaba socday uu midkood jiiray Wiilka isaga oo dhaawac ahna la geeyay Isbitaalka degaanka ku yaalla sidaasna ku geeriyooday.

Dadka degaanka ayaa geeyay Isbitaalka,waxaana maamulka Isbitaalka ee uu ku agdhintay wiilkaas ay sheegeen in aysan garaneyn ehelkiisa kuna wareejiyeen Booliska oo halkaas tagay.