Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Qorsheynaya Muddo Korosi

Posted: July 30, 2019 at 7:04 am   /   by   /   comments (0)

Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa in Bisha August ee soo socota ay soo saaraan go’aan ku saabsan in aysan qaban Karin doorashada Golaha Wakiillada Somaliland.

Doorashada Xubnaha Baarlamaanka ayaa waxaa ay hadda qorsheysantahay in ay qabsoonto 12ka Bisha December ee sanadkan,waxaana ka dhiman muddo afar bilood ah.

Guddiga doorashada ayaa qorsheynaya in go’aankooda ay u gudbiyaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi una sheegaan in aysan afar bil gudahood ku qaban Karin doorashada.

Bishii January ee sanadkan ayuu qorshuhu ahaa in ay qabsoonta doorashada Golaha Wakiillada Maamulka Somaliland laakiin dib ayey u dhacday.

Axsaabta Mucaaridka ah iyo xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye ayaa dhawaan heshiis ka gaaray Guddiga doorashada iyada oo ay isku raaceen in xubnaha guddiga laga dhigo 9 xubnood haddii Baarlamaanku diidana lagu galo 7da xubnood ee hadda jirta.

Haddii sida hadda qorshuhu yahay Guddiga u gudbiyaan go’aanka doorashada in aysan ku qaban Karin afar bilood gudahood waxaa ay noqoneysaa in markii 6aad oo xiriir ah ay Golaha Wakiillada Somaliland helaan muddo kordhin.

Somaliland oo laga qabto doorashada xubnaha Baarlamaanka ama Wakiillada waxaa ugu dambeysay 2005tii, waxaana muddo afar iyo toban sano ah ay sameynayeen muddo kororsi taas oo uu mar kale ifafaalaheedii muuqdo.