Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiyahii Baarlamaanka Puntland Iyo Ciidan Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Sanaag

Posted: November 9, 2019 at 7:18 am   /   by   /   comments (0)

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Cabd Xakiin Dhoobo Daareed ayaa gaaray Magaalada Xingalool ee Gobolka Sanaag halkaas oo uu dib ugu laabtay maalin kaddib xilka qaadistiisii.

Guddoomiye Dhoobo Daareed oo ka soo horjeestay xilka qaadistaas ayaa sheegay in uu sharci ku qabtay xilka sharcina uga tagayo islamarkaana natiijada codeyntii Khamiistii aysan ahayn mid sharci ah.

Magaalada Xingalool waxaa ku soo dhaweeyay Odayaasha Degaanka, Dhallinyarada iyo guud ahaa Bulshada Magaalada oo Khamiistii banaanbaxyo ka dhigay Magaaladaas kaddib markii wakiillada Puntland ay kalsoonida kala laabteen.

Dhoobo Daareed wali kama hadlin tallaabada xigta ee uu qaadanayo, sababta uu dib ugu laabtay gobolkiisa iyo waxa xiga go’aankii Xildhibaannada Baarlamaaanka Puntland xilka uga qaadeen.

Khamiistii ayaa 49 Xildhibaan oo ka mid ah 53 Xildhibaan oo fadhisay Baarlamaanka waxaa ay kalsoonida kala laabteen Guddoomiye Dhoobo oo uu khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Suldaanka Beelaha Harti ee uu ka soo jeedo Dhoobo Daareed iyo cuqaasha beeshaas ayaa ku sugan Magaalada Garowe oo Habeenkii Khamiista lagu dilay qaar ka mid ah ilaalada Xarunta Baarlamaanka markii ay weerar kala kulmeen Ciidan Boolis ah oo ka socday Madaxtooyada.