Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiyahii Guddiga Dhismaha Wadada Boosaaso Oo Xabsi La Dhigay

Posted: July 22, 2019 at 7:25 am   /   by   /   comments (0)

Hay’adaha amaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa xalay xabsiga dhigay Guddoomiyaha Guddiga dhismaha Waddada Boosaaso.

Sheekh Maxamed Macallin Axmed ayaa ciidamadu xireen waxaana eedda ugu weyn ee xariggiisa tahay in uu diiday dib u celinta lacagta dowladda Federaalka ah ku bixisay dhismaha Waddada Boosaaso.

Puntland ayaa xoray u xirtay saddex xubnood oo ka mid ah Guddiga dhismaha Waddada Boosaaso kuwaas oo ay Khamiistii xabsiga dhigtay.

Guddiga nabadgelyada Boosaaso oo xalay shir ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay sheegeen in aan la qaban karin shir aan fasax looga heysan dowlad Goboleedka Puntland.

Dowladda Federaalka ah ayaa Puntland ugu baaqday in la sii daayo xubnaha loo xiray arrintaas islamarkaana aan la siyaasadeyn mashaariicda dib u dhiska dalka.

Laakiin Puntland ayaa ka dhega fureysatay baaqa dowladda Federaalka ah,waxaana xeer ilaaliyaha Puntland uu sheegay in siideynta xubnaha xiran ay ka go’do kaliya hay’adaha garsoorka Puntland.