Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiye Maxkamadeed Oo Lagu Dilay Muqdisho

Posted: July 3, 2019 at 7:28 am   /   by   /   comments (0)

Rag hubeysan ayaa waxay xalay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir ku dileen guddoomiyahii maxkamadda gobolka Shabellaha Hoose, Saciid Cumar Xasan Subeyr.

Sida ay Maandeeq u sheegeen dad ku dhow guddoomiyaha, Labo dhallinyaro ah oo ku hubeysan Mindiyo ayaa waxay weerareen guddoomiyaha, isaguna wuxuu watay Bistoolad uu isku difaacay, isaga oo mid kamid ah dhallinyaradaasi toogtay.

Laamaha ammaanka DFS ayaa waxay wadaan baaritaanno dheeraad ah oo ku aaddan sida dilkan u dhacay iyo ragga weerarka geystay waxa ay ahaayeen.

Waa dhacdadii ugu horreysa oo ka dhacda Muqdisho, in guddoomiye ama mas’uul dowladeed lagu weeraro Mindi, laguna dilo.

Ammaanka Muqdisho ayaa maalmahan dambe ahaa mid kasoo yara hagaagayey sidii hore, walow mararka qaar ay dilala dhacaan.

Maandeeq

Muqdisho, Somalia