Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiye Xigeenkii Amniga Sh/dhexe Oo La Dilay

Posted: October 14, 2019 at 7:20 am   /   by   /   comments (0)

Weerar Bambaano ahaa oo xalay lagu qaaday Guriga uu Magaalada Jowhar ka degganaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga shabeellaha dhexe ayaa sababay dhimashadiisa.

Muxumed Abdi Sugaal ayaa waxaa xilli uu ku sugnaa Gurigiisa lagu tuuray Bam Gacmeed kaas oo sababay in uu halkaas ku geeriyoodo.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in weerarka uu ku dhintay wiil uu dhalay Guddoomiyaha qaraxa ku dhintay oo ay xilligaas isku meel joogeen.

Gudaha Magaalada Jowhar ayaa guud ahaan iska xasillooneyd sanadihii ugu dambeeyay marka loo eego weerarrada ka dhacayay waddooyinka Magaaladaas gala.

12kii Bishii September Waxaa qarax ka dhacay agaagaarka degaanka Gololey ee Gobolka Shabeellaha dhexe  lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda ee Gobolka.

Waxaa sidoo kale weerarkaas kula dhintay wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle, saraakiil ka mid ahayd hay’ad samafal iyo ciidan ilaalinayay.

Isla maalintaas weerar ka dhacay isla Gololey waxaa lagu dilay 12 ka mid ahaa Ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Sanadkii hore ayaa waddadaas lagu dilay Xildhibaanno ka mid ahaa Baarlamaanka Hirshabeelle kaddib markii ay jidka u galeen Ciidan ka tirsan Al-shabaab halkaasna uu ka dhacay dagaal xoog leh.

Madaxweynaha iyo ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa dhowr jeer dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka codsaday in laga gacansiiyo dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab iyada oo Madaxweyne Waare uu sheegay in Al-shabaab dagaalkii ay ka wadeen shabeellaha hoose u wareejiyeen Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa Al-shabaab ka saaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose 7dii August,waxaana xilligaas kaddib ka dhacay dhowr weerar oo ay geysteen AL-shabab.