Featured, Arrimaha Siyaasada
Haraadiga Meydka Taliyihii Boolisk AMISOM oo la helay
Dowladda Itoobiya iyo sharikadda Diyaaradaha Itoobiyan Airlines ayaa dowladda Uganda u diray caddeeymo muujinaya haraadiga Taliyihii Booliska AMISOM Christine Alalo oo ka mid ahayd dadkii ku dhintay shilkii diyaaradeed ee sanadkan billowgiisii ka dhacay Itoobiya.
Dowladda Itoobiya iyo sharikadda ayaa sheegay in la helay cadad yar yar oo ka mid ah jirkeeda islamarkaana baaritaan lagu sameeyay hidda sidaha haraadigaas iyo hidda sidaha ehelkeeda lagu ogaaday in ay iyada tahay.
Afhayeenka Booliska Dalka Uganda Fred Enanga, ayaa sheegay in Dowladda Itoobiyaha ay haraadiga Alalo u direyso dalka Uganda si loogu sameeyo aas.
10kii March 2019 ayey diyaarad ay la socotay ku dhacday gudaha Itoobiya waxaana ku geeriyooday dhamaan dadkii saarnaa.
5ta ilaa 7da Bisha ayey dowladda Uganda saraakiil u diri doontaa Dalka Itoobiya si ay u soo qaadaan,waxaa sidoo kale qoyskeeda ay magacaabeen xubnihii qaban qaabin lahaa aaskeeda.
Christine Alalo, waxaa ay ahayd Taliyaha Booliska AMISOM,waxaa ay sanadkii 2014kii ku guuleysatay abaalgudka dadka difaaca xuquuqda aadanaha ee Midowga Yurub uu bixiyo.
Recent Comments