Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

Posted: September 19, 2019 at 8:28 am   /   by   /   comments (0)

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgallo maalmihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe islamarkaana ku qab qabteen dad aad u farabadan

Jenenaal Maxamed Maxamuud Tareedishe oo ah Taliyaha qeybta 27aad  ee Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in dad ka badan 20 qof ay hadda hayaan isaga oo sheegay in lagala haray dad farabadan oo ay qab qabteen.

Waxaa uu xusay in dadka ay hayaan ay isugu jiraan kuwo miinooyinka iyaga oo dhigaya la qabtay, kuwo Taleefannada kula xiriirayay AL-shabaab iyo kuwo la tuhmayo.

Jeneraal Tareedishe ayaa sheegay in Dadkaasi eedeysanayaasha ah ee ay gacanta ku dhigeen ku wareejin doonaan Hay’adaha garsooka dalka islamarkaana la marsiinayo caddaaladda.

Madaxeynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa todobaadkan sheegay in AL-shabaabkii Ciidamada dowladda ka saareen Gobolka Shabeellaha hoose ay u wareegsadeen Gobolka Shabeellaha dhexe.

Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ayuu ka dalbaday in ay ka gacan siiyaan sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen AL-shabaab.

Sabtigii todobaadkan ayaa ugu yaraan shan qof oo ay ka mid ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle lagu dilay qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

Sidoo kale isla maalintaas 12 ka mid ah Ciidamada Burundi ayaa lagu dilay weerar ka dhacay degaanka Gololey oo u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad,waxaana mas’uuliyadda weerarradaas sheegatay Al-shabaab.