Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Howlgal Ka Socda Degmada Afgooye Ee Shabellaha Hoose

Posted: November 7, 2019 at 7:16 am   /   by   /   comments (0)

Ciidamada dowladda FaderaalkaSoomaaliya ayaa howlgal ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Afgooye waxaa ay ku soo qab qabteen dad u badnaa dhalinyaro kaddib dilkii guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada gobolka Shabeellaha Hoose

Dadka lagu qab qabtay howlgalkan ayeey ciidamadu isugu geeyeen saldhiga Booliiska degmada oo la sheegay in lagu kala saarayay dadka la soo qab qabtay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay in dadka howlgalka lagu qabtay baaritaanno dheeraad ah lagu sameyn doono islamarkaana leyska sii deyn doono ciddii aan danbi laheyn.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegaya in sidoo kale baaritaano ku socdaan askartii ku sugneyd guriga Guddoomiye kuxigeenka ee bam gacmeedka lagu weeraray.

Weerarkii shalay lagu dilay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaalad amni geliyay degmada Afgooye, iyadoo xalay bandow iskeed ah ay u gashay degmada.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu dilay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Carabey.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa waxaa  ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan ,islamarkaana Goobaha  Ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo Gaadiidka ay si caadi ah u socdaan.