Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ilhaan Cumar oo dhibbane u noqotay dadka caddaannimada ku weyntahay ee Mareykanka

Posted: August 29, 2019 at 8:17 am   /   by   /   comments (0)

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa waxaa ay wajaheysaa todobaad kale oo aad ay u hadak heyso warbaahinta Mareykanka.

Todobaadkan Golaha Kongareeska Gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa meel mariyay qaar ay doonayaan in ay u gudbiyaan Baarlamaanka Mareykanka kaas oo ku baaqaya in Ilhaan laga saaro Baarlamaanka Mareykanka.

Musharrax u taagan Xildhibaan senate-ka  Mareykanka ee Gobolka Alabama Roy Moore, ayaa Arbacadii shalay ahayd bartiisa twitter-ka ku weeraray Ilhaan Cumar kaddib markii uu ku yiri ” ku laabo halkii aad asal ahaan ka timid.”

Ninkan oo 72 jir ah ayaa soo ahaa Garsoore Maxkamadeed, waxaa uu ka falcelinayay jawaabta ay Ilhaan Cumar ka bixisay go’aankii Baarlamaanka Gobolka Alabama.

Ilhaan ayaa sheegtay in dadka Gobolka ay matasho ku doorteen 78% islamarkaana si dimuqraadi ah loo doortay.

Waxaa ay Xubnaha Gobolka Alabama ku tilmaantay kuwo maskax Carruureed leh, hadalkaas ayaa ka careysiiyay Musharraxa aqalka senate-ka Mareykanka  ee Gobolka Alabama, Roy Moore .

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadalkan oo kale horay ugu yiri Ilhaan,waxaase inta badan dadka Mareykanka ugu jawaabeen “Ilhaan waxaa ay Muwaaddin Mareykan ah ahayd 17 sano ka hor inta aysan xaaskaaga American noqon”.