Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Imaaraadka oo lagu wareejiyay Garoonka diyaaradaha Boosaaso

Posted: September 25, 2019 at 7:45 am   /   by   /   comments (0)

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa xaqiijisay in dowladda Imaaraadka Carabta gaar ahaan Sharikadda DPWorld dhiseyso Garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.

Wafdi ka socda dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shalay tagay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wafdigaas Imaaraadka ka socday iyo Saraakiil wasiirro u badan oo ka tirsan Puntland ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Boosaaso waxaa ay isku raaceen in Garoonkaas ay ballaariso Imaaraadka Carabta islamarkaana ka mid noqdo Garoomada ugu weyn Afrikada bari.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa uu Boosaaso u joogaa la kulanka Wafdiga Imaaraadka ee Boosaaso gaaray lana kulmay Wasiirrada Puntland.

Wasiirka Duulista iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Lugatuur oo shir jaraa’id la qabtay Wafdiga ka socda Imaaraadka ayaa waxa uu sheegay in Garoonkaas waxbadan ku kordhin doono Ganacsiga Puntland.

Sheekh Xasan Saciid oo ka socday Wafdiga Imaaraadka oo isna ka hadlay shirka Jaraa’id ee shalay gelinkii dambe ka dhacay Boosaaso ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in mashruuxa Garoonkan oo meel istiraatiiji ah ku yaalla ay gacanta ku dhigaan.

Kulaka oo laga qariyay Warbaahinta madaxabanaan lama sheegin waqtiga uu billaabanayo mashruuca Imaaraadka ku dhisayo Garoonkaas hayeeshee Wasiir luga tuur ayaa sheegay in uu isaga ugu dhaqsiyaha badan u billaabanayo.

DPWorld qeybteeda P&O ayaa gacanta ku heysa Dekadda Boosaaso waxaana ay hadda ku darsatay Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

DPWorld ayaa horay ula wareegtay Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Berbera inkasta oo dhawaan Maamulka Somaliland uu sheegay in Garoonkaas uu noqonayo mid lagu qabto adeegyada dadweynaha.