Featured, Arrimaha Siyaasada
Interpol oo ku biirtay baaritaanka dhaqaatiirta Cuba
Dowladda Kenya ayaa sheegtay Booliska Adduunka ee Interpol ay ku biireen baaritaanka caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo laba Dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba iyo Gabar u dhalatay Dalka Talyaaniga.
Saraakiisha Amaanka Kenya ayaa sheegay in baaritaannada ay wadaan ay ka mid tahay in kooxda wax afduubtay ka soo gudbeen Sohdinta Soomaaliya.
Haddii ay taasi caddaatana dowladda Kenya waxaa ay sheegtay in si aan ka laba labays lahayn ay uga gudbi doonaan Ciidankeeda sohdinta Soomaaliya si loo soo furto Dhaqaatiirta iyo Gabadha samafalka ahayd ee u dhalatay Dalka Talyaaniga.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in weerarkaas ay geysteen koox xiriir la leh AL-shabaab islamarkaana ula gudbeen dhinaca Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.
Dhinaca kale Dowladda Kenya ayaa sare u qaadday amaanka Dhaqaatiirta Cuba ee ku sugan dalkaas kaddib afduubkii laba Dhaqtar oo ka mid ahaa dhaqaatiirta Cuba ee ka dhacay duleedka Mandheera.
Recent Comments