Featured, Arrimaha Siyaasada
IOM oo 143 Soomaali ah ku soo celisay Dalka
Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Socdaalka ee IOM ayaa shaacisay in todonaadkii la soo dhaafay oo kali ah ay 143 qof oo Soomaali ah ka keentay dalka Yemen kuna celisay Soomaaliya.
Warbixin ay soo saartay hay’adda waxaa ay ku sheegtay in 56 qof oo dadkaas ka mid ah ay Carruur yihiin kuwaas oo ka mid ah muwaaddiniinta laga soo celiyay Dalka Yemen.
Waxaa Isniintii laga soo qaaday Magaalada Cadan waxaana la geeyay talaadadii Magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland.
Afhayeenka Hay’adda IOM Joel Millman, ayaa sheegay in colaadaha ka aloosan dalka Yemen ay horseedeen dhaqaale xumo iyo nolosha oo aad u adkaatay.
Inta badan Dadka Qaxootiga ku ahaa dalka Yemen ayaa waxaa ay dalbanayaan in dib u dejin loogu sameeyo dalal kale ama xitaa lagu celiyo dalkooda.
Afhayeenku waxaa uu sheegay in 1,500 oo Soomaali ah ku celiyeen dalkooda tan iyo November sanadkii hore.
Afhayeen u hadlay Hay’adda UNHCR oo lagu magacaabo Babar Balloch, ayaa isaguna sheegay in Soomaaliya aysan wali ahayn goob lagu aamini karo qaxootiga hayeeshee hay’addooda caawineyso lana soconeyso dadka dib loogu celiyo Soomaaliya.
Recent Comments