Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

James Swan “Hala Xoojiyo Xiriirka DFS Iyo Dowlad Goboleedyada”

Posted: July 18, 2019 at 7:53 am   /   by   /   comments (0)

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in xiriir wanaagsan oo dhexmara  Dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah uu muhiim u yahay in xal siyaasadeed iyo amni laga helo Soomaaliya.

Mr Swan oo ka warbixinayay safar uu shalay ku tagay magaalada Jowhar ayaa sheegay in madaxweynaha Hirshabeelle, Wasiirradiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas uu kala hadlay arrimo dhowr ah.

Waxaa uu sheegay in labada dhinac isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay in dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada ay hagaajiyaan xiriirkooda islamarkaana wada shaqeyn rasmi ah dhexmarto si loogaaro guulo la taaban karo.

James Swan ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobey si ay u xoojiso howlaheeda ay Maamulka Hirshabeelle ku yeelaneyso xafiisyo ka shaqeeya howlaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya gaar ahaanna qeybta Hirshabeelle.

James ayaa maalmihii la soo dhaafay booqanayay Maamullada Puntland, Jubaland iyo Hirshabeelle,waxaana uu ku guda jiraa isbarashada Maamul Goboleedyada maaddamaa uu xilka la wareegay 25kii June ee sanadkan.