Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Jubbaland Oo Ka Hadashay Weerarkii Garyaqaan Qalyare
Maamulka Jubbaland ayaa Alshabaab ku eedeysay in ay ka dambeyso weerarka bukaate Axmed Jaamac Maxamuud guddoomiyaha golaha la baxay badbaadada Jubaland
Koox hubeysan ayaa xalay fiidkii weerar kuqaadday Abukaate Axmed Jaamac Maxamuud guddoomiyaha golaha la baxay badbaadada Jubaland, Axmed Jaamac ayaa ladhigay isbitaalka Kismaayo kaddib dhaawac culus oo kasoo gaaray weerarkaas.
Maamulka Jubaland ayaa eedda dusha u saaray Al-shabaab waxanaa ay sheegeen in lagu raad joogo kooxdii weerarkaas ka dambeysay.
Garyaqaan Axmed Jaamac waxa uu kamid ahaa dadka u ololeynayey in doorashadii Agosto kadhacday Kismaayo ay noqoto mid lagawada qaybgalo isaga oo si joogto ah ugu baaqi jiray maamulka Jubbaland iyo si gaar ah Axmed Madoobe in ay ogolaadaan doorasho lagawada qaybgalo.
maagaalada Kismaayo ayaa degganeyd tan iyo doorashadii muranka badan dhalisay ee uu Axmed Madoobe mar kale ku noqday Madaxwyenaha Jubaland.
Doorashadaas waxaa iska diiday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, waxaana ay sheegeen in doorashadaasi ay ahayd mid aan loo dhameyn.
Axmed Madoobe oo Khamiistii ka hadlayay Kismaayo ayaa hanjabaad u diray dowladda Soomaaliya oo xayiraad ku rogtay diyaaradaha Kismaayo sidoo kalena xirtay Wasiirkii amniga dowlad Goboleedka Jubaland.
Recent Comments