Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Kaalinta Soomaaliya Iyo Shirkii Ganacsiga Maleysia

Posted: July 30, 2019 at 7:03 am   /   by   /   comments (0)

Mas’uuliyiin ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno matalayay ganacsatada Soomaaliyeed, ayaa Sanadkii Labaad ka qeyb galay shir looga hadlayay xoojinta is-dhexgalka xirriirka ganacsiga iyo maalgashiga Waddamada Carabta iyo Aasiya.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay xubno ka kala socday dowladaha Carabta, Waddamada Aasiya, ganacsato iyo maalgashadayaal ka kala socday Waddamada Caalamka, iyada oo halkaasi lagu soo bandhigay fursado muhiim u ah maalgashadayaasha Dunida.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ugu qeyb galaya shirka ayaa waxaa hoggaaminaayey Uqeybsanaha Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya u fadhiya dalka Malaysia Maxamed Amiin Abuukar.

Mudane Mohamed Amiin Abuukar, oo shirka hadal ka jeediyey ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Maalgashadayaasha kasoo qeyb gashay shirka in ay maalgashaan Waddanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay inuu dalku yahay mid soo koraya, islamarkaana ay fursado badani jiraan, Soomaaliyana ay diyaar u tahay in ay soo dhoweyso cid walba oo dooneysa inay ka qeyb qaadato fursadaha ka jira dalka.