Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Kenya Oo Cayrisay Qareenno ku Matalayey ICJ

Posted: September 4, 2019 at 7:26 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay ceyrisay lix Qareen oo caalami ah kuwaas oo dowladda Kenya ku matalayay kiiska Badda ee ICJ ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Kenya Kihara Kariuki, ayaa iksu afgartay in la ceyriyo lix qareen oo Caalami ah sidoo kalena waxaa ay Maxkamadda ICJ ka codsadeen in  dhegeysiga kiiska dib loo dhigo.

Warbixin uu sidoo kale xafiiskiisa ka soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Kihara Kariuki ayaa waxaa uu ku sheegay in iyaga oo qaadanaya qareenno cusub oo Caalami ah ay doonayaan in dib loogu dhigo dhegeysiga kiiska oo billaabnaya 9ka Bishan September.

Qareennada ay Kenya iska ceyrisay ayaa waxaa ay kala yihiin Payam Akhavan oo u dhashay Mareykanka,   Vaughan Lowe oo u dhashay UK,  Alan Boyle oo u dhashay UK,  Mathias Forteau oo u dhashay France, Mr Karim Khan UKand iyo  Amy Sanders oo u dhashay UK.

Dowladda Soomaaliya ayaa iska diidday sheegashada Kenya ee Biyaha Soomaaliya waxaana ay dacweysay sanadkii 2014kii.

ICJ ayaa ku dhawaaqday in kiiskan ay kama dambeys dhegeysan doonto 9ka Bisha ilaa 13ka Bisha islamarkaana go’aan kama dambeys ah soo saareyso.