Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Kenya Oo Ciidan Badan Keentay Gobolka Gedo
Dowladda Kenya ayaa lagu soo waramayaa iney ciidan Badan keentay Xadka ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka gobolka Gedo.
Dad ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa inoo sheegay in ciidanka Kenya yihiin kuwo aad u hubeysan, islamarkaana wata gaadiidka dagaalka.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo sheegay in ciidankan ay halkaasi u yimaadeen sidii ay garab usiin lahaayeen madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo la filayo in Gedo meello badan uu ka booqdo.
Waxaa la sheegay in Sayid Aadan loo diidey inuu tago Galbeedka Gedo oo Itoobiyaan maamulayaan maalmahan dambe.
Itoobiya iyo Kenya ayaa isku haya gacan ku haynta gobolka Gedo, waxaana ay kala taageerayaan DFS iyo dowlad goboleedka Jubbaland.
La soco wixii soo kordha
Recent Comments