Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Kenya oo ku baaqday in Garsoore Cabdi Qawi laga saaro dhegeysiga kiiska Badda ee ICJ
Dowladda Kenya ayaa gadaal ka riixeysa hay’ad la baxday PAF oo sheegata in ay tahay urur u dooda arrimaha Geeska iyo Bariga Afrika.
Ururkan oo ay hoggaaminayaan koox Kenyaan ah ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in dhegeysiga kiiska Badda laga reebo Garsoore Cabdi Qawi oo ah Madaxweynaha Maxkamadda ICJ sidoo kalena Soomaali ah.
David Matsanga, waa Guddoomiyaha Madasha Afrikaannimada waxaana uu u dhashay Dalka Kenya,waxaa uu sheegay in Cabdi Qawi uusan si dhex dhexaad ah u geli karin kiiska islamarkaana niyaddiisu la jirto Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha ICJ C/Qawi Axmed Yuusuf ayey Hay’addan Kenyaanka ah ku eedeysay in uu dhowr jeer fagaare ka sheegay sida uu jecelyahay taas oo aanay waxba ka jirin.
Sidoo kale David Matsanga, waxaa uu dowladda Kenya ka codsaday in aysan ka qeybqaadan kiiska dhegeysigiisa uu billaabanayo todobaadka dambe islamarkaana ay banaanka ka joogto.
Hay’addan ayaa sanadkii 2012kii lagu aas aasay Kenya waxaana lagu sheegay in ay tahay mid difaaca qaddiyadaha Afrika sidoo kalena u ololeysa Midowga Afrika.
Kenya ayaa tabarteeda isugu geysay kiiskan sidii loogu xallin lahaa meel aan Maxkamadda ahayn waxaase go’aankaas ka diiday dowadda Soomaaliya.
Recent Comments