Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Kenya oo ku dhawaaqday in ay kiiska badda wadahadal kula dhameyneyso Soomaaliya

Posted: September 14, 2019 at 8:04 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay wadahadal kula dhameyneyso Soomaaliya muranka dhinaca Badda ah ee ay Kenya ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa shalay magaalada Nairobi uga dhawaaqday in ay rajo weyn ka qabaan in muranka labada dal u dhaxeeya lagu dhameeyo meel aan ahayn Maxkamadda ICJ.

Hadalka Monica Juma ayaa ku soo aadaya todobaad kaddib markii Maxkamadda ICJ ay dib u dhigtay dhegeysiga kiiskan oo la dhegeysan lahaa 9kii Bishan shalayna la soo gaba gabeyn lahaa.

Dowladda Kenya ayaa xoog badan isugu geysay sidii kiiska Badda loogu dhameyn lahaa meel aan maxkamadda ICJ ahayn.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana ku adkeysatay in meel aan Maxkamadda ahayn aysan ku qanacsaneyn.

Kenya ayaa dalbatay in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo kiiska Badda dhegeysigiisa, taas dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iska diidday,waxaana Maxkamadda ICJ qaadatay go’aan u gaar ah iyada oo dib u dhigtay muddo 2 bilood ah.

Maxkamadda ayaa shaacisay in dhegeysiga kiiskaan ku beeganyahay 4ta Bisha November,waxaana la soo gaba gabeynayaa 8dda bishan Novermber.

Baarlamaanka Kenya ayaa dhawaan gudbiyay mooshin ciidan lagu geynayo biyaha Soomaaliya ee ay Kenya sheeganeyso.

Baarlamaanka Soomaaliya xubmo ka mid ah ayaa iyana ku dhawaaqay in ay mooshin kaas la mid ah gudbinayaan marka uu furmo kalfadhiga Baarlamaanka 27ka Bishan September.