Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Kenya Oo Qarashaadkii Ka Jaratay Qareenno Wakiil Uga Ahaa Kiiska Badda

Posted: November 9, 2019 at 7:36 am   /   by   /   comments (0)

Koox Qareenno ah oo ku doodayay in dowladda Kenya aysan sii wadin dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya ayaa sheegay in shaqadoodii istaagtay.

Waxaa ay sheegeen in miisaaniyaddii ay ku shaqeyn lahaayeen laga joojiyay sidaas darteedna kiiska in ay sii wadaan ay laftooda ku adkaatay.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayey u gudbiyeen dacwad la xiriirta in Kenya ka laabato ICJ,waxaana loo sheegay in kiiskooda la dhegeysan doono 10ka November ee sanadkan.

Miisaaniyadda ay qorteen ayaa gaareysa 32.1 Bilyan oo shilinka Kenya ah,hayeeshee Baarlamaanka Kenya ayaa u ansixiyay 14.5 wasaaradda Maaliyadda ayaase ka sii jartay qeyb kale waxaana u soo haray oo kali ah 11.5Bilyan oo shilinka Kenya ah taas oo meesha ka saartay in ay sii wadaan.

Wasaaradda Maaliyadda Kenya ayaa sheegtay dakhliga soo galay oo yaraaday darteed ay ku adkaatay in ay meel mariso miisaaniyadda uu baarlamaanka u qoondeeyay qareennada isu xil qaamay in Kenya ay ka baxdo kiiska Badda eek ala dhaxeeya Soomaaliya.
Kiiska Badda ee Kenya kala dhaxeeya Soomaaliya waxaa uu ka midyahay meelaha miisaaniyadda dalka ugu dhaqaalaha badan.

Qareennada Kenyaanka ah ayaa aaminsan in Soomaaliya ay ku guuleysaneyso Dacwadda Badda islamarkaana Kenya noqoneyso dal aan Bad lahayn haddii Soomaaliya loo xukumo.