Featured, Arrimaha Siyaasada
Kenya oo sheegtay in AL-shabab dileen labo iyaga ka tirsanaa oo Xabsi ku jiray
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay dileen labo xubnood oo shabaab ah kuwaas oo xabsiga Wajeer ku jiray.
Ciidmao ka tirsan AL-shabaab ayaa weerar ku ekeeyay xarun Boolis oo ku taalla Wajeer qeybteeda koofureed, dagaal ku dhawaad 20 daqiiqo socday kaddib ayey Ciidamada Kenya isaga baxeen saldhigga.
Hayeeshee AL-shabaab ayaa dab qabadsiiyay saldhigga sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha Degaanka oo magaciisa lagu sheegay Cali Aw Dool, waxaa halkaas ku geeriyooday labo qof oo loo hayay in ay ka tirsanyihiin AL-shabaab,kuwaas oo xabsiga ku xirnaa.
Intii uu weerarkaas socday Kenya waxaa ay sheegtay in labo ka mid ah saraakiisheeda Booliska iyo mid ka mid ah Keydka Booliska kenya ay uga dhaawacmeen weerarkaas.
Weerarka ayey sheegtay in ay fuliyeen Ciidan xoog leh oo ka tirsanaa Al-shabaab kuwaas oo isku dayay in ay badbaadiyaan xubnaha saldhiggaas ku xiran si aan xog looga ururin,waxaana ay ku dhinteen dabkii ay saldhigga qabadsiiyeen AL-shabaab.
Weerarkan ayaa dhacay xalay,Al-shabaab wali dhankooda kama hadlin, sidoo kale ma jirto cid ka madaxbanaan dowladda Kenya oo ka hadashay weerarka ka dhacay Duleedka Wajeer.
Recent Comments