Featured, Arrimaha Siyaasada
Kenya Oo War Kasoo Saartay Kulankii Farmaajo Iyo Uhuru
Madaxtooyada Dalka Kenya ayaa daabacday war ay ka diyaariyeen kulan Magaalada New York ku dhexmaray Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya.
Warka ka soo baxay Madaxtooyada Dalka Kenya ayaa lagu sheegay in inta uu socdo shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey ay kulan doceed yeesheen madaxweynayaasha Soomaaliya,Kenya, Jabuuti iyo Masar.
Kulankaas ayaa madaxda waxaa ay iskula soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Waddamada ku jira AFrika.
Kenya oo afka ka dhowrtay kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ayaa waxaa ay ku soo koobtay in kaliya xalka Afrika uu ku jiro gudaha Afrika loona baahanyahay in ay Afrika iyadu is xalliso.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa madaxweynaha dalka Masar C/Fataax Al Sisi uga mahadceliyay qaban qaabada kulankaas iyo sida uu hormuudka ugu yahay in Afrika arrimaheeda dhameysato.
Madaxtooyada Soomaaliya oo shalay war ka soo saartay kulankaas ayaa waxaa ay sheegtay in kulanka labada Madaxweyne looga hadlay kiiska Badda islamarkaana Soomaaliya ku adkeysatay in arrintaas loo daayo Maxkamadda ICJ Kenyana aqbashay sidaasna la isku afgartay.
Sidoo kale Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddi isu dhaf ah oo ka shaqeeya soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal la sameynayo Kenya iyo Soomaaliyana isku waafaqeen.
Recent Comments