Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Posted: July 22, 2019 at 12:51 pm   /   by   /   comments (0)

Waxaa isa soo taraya khasaaraha nafeed ee uu sababay qarax saaka baqadii ka dhacay agagaarka bar koontorool oo ku taalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas iyada oo 3o kalena uu dhaawacyo kasoo gaaray sida ay ku warrameen saraakiisha caafimaadka.

Agaasimaha isbitaalka Madiina Dr. Maxmed Yuusuf ayaa sheegay in hay’adaha gurmadku ay isbitaalka keeneen 17 ruux oo meyd ah.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska Soomaaliya janaraal Sakiya Xuseen oo ka hadashay qaraxa ayaa sheegtay in qaraxa loo adeegsaday baabuur nooca Noah ah oo is qarxiyay kaddib markii ay ciidamadu is hor taageen.

“Abbaare 10:40 baqadii ayay ciidamada ammaanku is hor taageen baabuur Noah ah oo siday walxo qarxa ka hor inta uusan gaarin halkii lala damacsanaa taasoo keentay in uu qarxo” ayay tiri janaraal Sakiya.

Qaraxan ayaa imanaya kaddib laba maalmood kaddib markii ay soo baxeen warbixinno dhanka ammaanka khuseeya oo ka digaya in qarax loo adeegsado baabuur ay suuragal tahay in uu ka dhaco Muqdisho.

Weerarkan ayay masuuliyaddisa sheegatay kooxda al-Shabaab.